Shirkadda Suuqgeynta ee Galcad
Galcad Digital, waa shirkad aanu u abuurnay qabashada adeegyada suuqgeynta casriga ah (Digital Marketing), una adeegaysa ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Bariga Afrika. Waxaan caawinaa dadka ganacsiyada leh iyo hal-abuurada doonaya inay shirkado ama meherado furtaan. Waxaanu samaynaa websiteyo casriya , suuqgeynta baraha bulshada, nashqadaynta xayeysiisyada maqal iyo muqaalka, iyo wax kasta oo la xidhiidha suuqgeynta.
Sifaha Galcad Digital
Hogaan iyo hawlwadeen, haddii aanu nahay bahda Galcad Digital, waxaanu nahay kuwo ku adeega mabaa'diida ah ; farsamo casriya, aqoon sare, ogaalka waaqaca iyo dhaqanka bulshada, fahamka suuqyada, adeegsiga luuqadaha kala duwan iyo Tignoolajiyada.
Maxaa Noo Gaar ah?
- 🌍 Ku Shaqaynta Xogta Suuqaaga : Waxaanu adeegsanaa xogaha ganacsiga iyo suuqa si macmiishayada ugu qabano adeegyo haboon oo waxtar ah.
- 💸 Qiimo Macquul Ah : Qiimaha adeegayada aanu bixino waa kuwo macquul ah oo u ku salaysan heerarka dhakhli ama dhaqaale ee ganacsiyada.
- 🤝 Xidhiidhka Macaamiisha : Waxaanu ku shaqaynaa oo aaminsanahay in macmiishayada aanu la yeelano xidhiidh waara iyo u adeegis joogta ah..
- ⚡ Degdegsiimo Shaqeed : Waxaanu ku shaqaynaa in si dhakhso ah u qabano wixii adeeg ah ee macaamishu naga soo dalbadaan.
- 🧩 Qorshe iyo Talo :Waxaanu siinaa macaamisha talooyinka ganacsi, waxaana aanu ku salaynaa xayeeysiisyada ama suuqgaynta xogaha iyo fursadaha suuqyada ka jira.
- 💰 Xirfad iyo Aqoon Casri ah: Waxaanu samaynaa naqshado casri ah, hadday tahay maqal iyo muuqaal, astaamaha iyo qorshayaasha ganacsiyada ama websites.
- 📦 Adeegyo Kala Duwan : Waxaanu bixinaa adeegyo kala duwan oo loo nashqadeeyay qaybaha kala duwan ama noockasta oo ganacsi.
- 🗣️ Adeegsashada Luuqado Kala Duwan : Waxaanu samaynaa fariimaha suuqgeynta, annagoo adeegsanayna luuqado kala duwan sida Soomaali, Ingiriis, iyo Sawaaxili.
Waxaanu Nahay Garab u Taagan in Ganacsigu Guulaysto
Waxaanu karti iyo aqoon u leenahay kobcinta iyo horumarinta ganacsiga. Waxaanu ku shaqaynaa qorshayaal iyo hagayaal ku salaysan fahamka iyo waaqaca suuqyada Soomalida iyo Bariga Africa.
Ma Rabtaa In Ganacsigaagu Guulaysto Ama Horumaro?
Nala Soo Xidhiidh Ama Fariimaha Nala Wadaag Si Aad Nooga Hesho Warcelin Aan Baaqsan.
Taabo Halkan oo Nala Soo Xidhiidh